Maamulka Yahuudda ayaa go’aansaday, in ay shaqada ka cayriyaan laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada kaydka ah, kadib markii ay ka soo horjeesteen dib u soo celinta hawlgallada milatari ee ka dhanka ah Marinka Gaza, sida uu sheegay wargayska Times of Israel.
Mid kamida labadaas Sarkaal ayaa shaqada laga eryay, kadib markii uu Baraha Bulshada soo dhigay qoraal uu ku diidayo in uu ka mid noqdo militariga, sababo la xiriira dagaalka ka socda Marinka Gaza.
Sarkaalkan oo inta aan shaqada laga cayrinin ka tirsanaa Agaasinka Sirdoonka Milateriga ee Yahuudda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa “X” waxa uu ku yiri “Waxa aan diiday in aan ka qayb qaato dagaalka u adeegayo khawanada qurunka ah, kaas oo gebi ahaanba liddi ku ah danaha dadka Israa’iil,” isagoo Qoraal dambana ku sheegay, in laga eryay shaqadii ciidan ee kaydka ahayd.
Sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka ee Yahuudda ayaa isna shaqada looga eryay qoraal la mid ah kan, kaas oo uu soo dhigay Baraha Bulshada.
Kadib markii uu maamulka Yahuuddu go’aansaday inuu dib usoo celeyo duulaanka gardarrada ah ee uu ka waday Marinka Gaza, waxa sii xoogaystay dibad-baxyada ay dhigayaan shacabka Yahuudda, kuwaas oo ka walaacsan masiirka Tobanaan la haystayaal ah oo ku xiran Marinka Gaza.