Ciidamada Milatariga Liibiya ee fadhigoodu yahay magaalada Tripoli ayaa shalay Isniintii ku dhawaaqay, in ay qabteen in ka badan 300 oo tahriibayaal ah oo doonayay in ay ka gudbaan saxaraha Liibiya si ay u gaaraan badda Mediterranean-ka.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad badan oo isugu jira rag, dumar iyo caruur, kuwaas oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo badan. Ciidanka dalkaas ayaa xaqiijiyay in tahriibayaashan loo gudbin doono hay’adaha amaanka, ayagoon sheegin wakhtiga saxda ah ee ay ku wareejin doonaan.
Guutada 444-aad ee katirsan ciidanka Dalka Liibiya ayaa xaqiijisay, in ay adag tahay in la sameeyo howlgalkan oo kale, iyadoo roondo lagu sameynayo bartamaha saxaraha si loo jaro waddooyinka ay adeegsadaan tahriibayaasha.
Dadaalkan ayaa qeyb ka ah la dagaalanka shabkadaha wax tahriibiya ee tahriibayaasha ka soo gudbiya saxaraha iyagoo ka qaata lacago badan, si ay ugu gudbiyaan dalalka Yurub.
Liibiya ayaa lagu tiriyaa marin weyn oo ay isaga gudbaan muhaajiriinta ka soo cararaya dagaalada ka socda Afrika iyo Bariga Dhexe, ujeeddadooduna tahay in ay ku gaaraan dalalka Yurub. Xogta Qaramada Midoobay ayaa tilmaameysa in ay jiraan in ka badan 760 kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid 44 dawladood, kuwaas oo lagu qabtay gudaha Liibiya lagasoo bilaabo bartamaha sanadka 2024-ka.