Horraantii bishan magaalada Al Qaahira ee caasimadda wadanka Masar waxaa heshiis ku kala saxiixday Xasan Sheekh iyo Cabdifataax Alsiisi waxaana heshiiskaas lagu sheegay mid difaac iyo amni.
Heshiiskan wuxuu yimid maalin kadib markii ay fashil kusoo idlaadeen wadahadalladii uu Turkigu garwadeenka ka ahaa ee ladoonayay in Itoobiya loogu xalaaleeyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Wixii xilligaas ka dambeeyay labada dowladood ee Itoobiya iyo Masar ayaa billaabay in ay sameeyaan dhaq dhaqaaqyo diblumaasiyadeed iyo kuwa melleteri oo ay ku xoojinayaan galaangalkooda Soomaaliya.
Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonaa, Loollanka cusub ee Masar iyo Itoobiya arrimaha geeska Afrika.. Soomaalida muxuu uga dhiganyahay? .
Ugu horrayn Masar ma ahan dowlad islaami ah oo ka shaqeysa qadiyadaha muslimiinta ee waa dowlad qowmi carab ah oo kaalin muhiim ah uga jirta mashruuca loogu magac daray Alxarbu Calal Irhaab oo macnaheedu yahay ladagaallanka Argagaxisada.
Masar waa dowladda 2aad ee Mareykanku siiyo taageerada ugu badan ee melleteri iyo dhaqaale marka lagaso tago Yahuudda, waxay dowladdan Mareykanka iyo xulufadiisa uhaysaan kaalin weyn oo waa albaabka lagasoo galo caalamka islaamka gaar ahaan mandiqadda Bariga dhexe.
Nidaamka melleteriga Masar wuxuu taariikh madoow uleeyahay hoosaasinta qaddiyadda muslimiinta Falasdiin, oo wuxuu tadbiiqiyaa heshiisyadii xaaraanta ahaa ee Kaam David 1978 iyo Oslo 1993-dii labaduba ahaa heshiisyo Mareykanku kasoo shaqeeyay oo lagu xoojinayay heysashada Yahuudda ee dhulalka Falasdiin.
Waxa loogu yeero Aljeyshul Misri Alcarabi wuxuu xuduud beenaadka u ilaaliyaa Yahuudda,waa ciidan malaayiin dollar ku qaata go’doominta magaalada Qaza,Nidaamka Cabdi Fataax Alsiisi ee hadda Masar maamula wuxuu sheedda ka eeganayaa muslimiinta lagu xasuuqayo Qaza ee go’doomintooda uu kaalinta weyn ku leeyahay, taas bedelkeed wuxuu isku xir amni laleeyahay dhammaan laammaha ammaanka Yahuudda.
Masarta nuucaas ah ayay dadka aan garaadkoodu sarrayn maanta ka sugayaan in ay ka yareyso Itoobiya oo ah cadowga soo jireenka ee Soomaaliya.
Soomaaliya oo marti gelinaysa loollanno caalami ah!.
Tartanka udhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee geeska Afrika dhammaantiis wuxuu ku dulwareegaysanayaa awood raadsi, labadan dowladood midkoodna kama shaqeynayo masaalixda shacabka dulman ee Soomaaliyeed.
Itoobiya waxay tahdiid ku tahay badda iyo barriga soomaaliya waxayna ciidamadeedu gummeysi ku haystaan malaayiin soomaali ah, haddii Masar ay doonayso in ay Itoobiya ka difaacato biyaha webiga Niil waxay saldhig ka sameysan laheyd gobolka Alqadaarif ee dalka Suudaan oo kaabiga ku haya biya xireenka Alnahda ee Itoobiya ay kasoo leexisay webiga Niil halkaas oo ay waxyeello weyn ku gaarsiin karto mashruuca halista badan ee Itoobiya khatarta ku gelinayso biyaha Masaarida.
Sidaas daraadeed Masaaridu waa manfac doon fursad ka aragtay baahida Xasan Gurguurte waxayna isku dayaysaa in ay wax ka boobto kheyraadka dihan ee Soomaaliya.
Masaaridu weligood sanaddii 1977-kii ayay Soomaaliya usoo hiilliyeen waqtigaas oo dowladdii Siyaad Barre ay xabashi dagaal culus lagashay, taariikhda waxaa ku diiwaangashan in taageeradii Masar laga helay ay noqotay qorigii Alxakiim ee Jamaal Cabdi Naasir soo diray kaas oo loo bixiyay Faragooye kadib markii uu katibmay islamarkaana uu askartii soomaalida faraha kawada jaray.
Haddii ay ciidamada Masaaridu cagaha soo dhigaan ciidda Soomaaliya shaqada ugu horraysa ee ay qaban doonaan waa ladagaallanka AS iyagoo fulinayay muhiimaddii uu Mareykanku u hubeeyay una maalgeliyay,marna suurtagal ma noqon doonto in diyaaradaha F16 ee Washington ay ku hubaysay ciidanka Masar lagu duqeeyay shacabka saliibiga Itoobiya!.
Ugu dambeyn waxaan aaminsanahay in loollanka Itoobiya iyo Masar udhaxeeya ee ku dhisan awood raadsiga geeska Afrika ay fursadi uga banaantahay jihaadiyiinta Soomaaliya oo ka faa’iidaysan kara xasaradaha siyaasadeed ee dhinacyada udhaxeeya iyo isku mashquulkooda.
Malafka arrinkan ku saabsan wuxuu ku xiranyahay hadba sida loo maareeyo damaca bad doonka Itoobiya iyo kulamada kama dambeysta ah ee bisha soo socota ka dhici doona magaalada Ankara dalka Turkiga.
W/Q Eng. Kurtun Xasan