Lubnaan ayaa diiday codsi ay Yahuuddu u gudbisay Mareykanka oo ahaa in ay ku sii sugnaadaan Shan goobood oo dhaca koonfurta dalkaas, heshiiska ayaa tilmaamaya in ay Yahuuddu dhulkaas ka baxdo 18-ka bishan Febraayo, taas oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee ka bixitaanka goobahan.
Afhayeenka baarlamaanka Lubnaan Nabih Berri ayaa u sheegay warfidiyeenada, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa warbaahinta maalintii Khamiista, in uu Maraykanka ku wargeliyay in Yahuuddu ay iskaga baxaan tuulooyinka ay weli haysato, balse ay doonayso inay ku sii jirto shan goobood oo dhaca koonfurta dalkaas, wuxuuna ku wargeliyay Maraykanka in ay kasoo hor jeedaan sii joogitaanka ciidamada Yahuudda ee Lubanaan.
Berri ayaa carabka ku adkeeyay, in haddii Yahuuddu ay sii wado duulaanka ay ku joogto dalkiisa ay ciidamada dawladda Lubnaan ay si buuxda u gudan doonaan waajibaadkooda kaga aadan xoraynta dhulkooda.
Wargeyska Haaretz oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa sheegay, in Yahuuddu ay codsatay in dib loo dhigo ka bixitaanka ciidanka ee 5 goobood oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, goobahaas oo dhaca meel u dhow gobolka Finger Galilee. Ilaha ayaa sheegay in Maraykanku aanu wali go’aansan in uu ansixiyo codsiga Yahuudda ee la xiriira koonfurta Lubnaan.
Tan iyo markii uu heshiisku hirgalay, Yahuudda ayaa Lubnaan ka geysatay ugu yaraan 923 xadgudub; Taas oo keentay dhimashada 73 qof iyo dhaawaca 265 qof, sida laga soo xigtay xogta rasmiga ah ee Lubnaan.