Lubnaan oo ku Dhawaad 70 Qof oo ay ku Jiraan Saraakiil ciidan ku wareejisay Suuriya.

32
0

Ciidamada Lubnaan ayaa maamulka howlgallada milateri ee Suuriya ku wareejiyay, ku dhawaad ​​70 ruux oo u dhashay dalka Suuriya, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil darajooyin kala duwan ka soo qabtay ciidamadii dowladdii hore ee Suuriya.

Wareejinta ayaa dhacday iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wafdi ka socday laamaha ammaanka ee Lubnaan, kuwaas oo soo maray marinka Arida ee u dhexeeya Lubnaan iyo Suuriya oo dhaca baadiyaha Tartuus.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan suuriya, saddex bas oo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Guud ee Lubnaan ayaa keenay dadkaan, waxaana la socday baabuur ay saarnaayeen wefti ka socday Sirdoonka iyo Ammaanka Guud ee Ciidanka Lubnaan.

Arintaan ayaa ku soo beegmayso iyadoo dhawaan Ciraaq ay sheegtay, inay ku dhawaad 1,905 isugu jira saraakiil iyo shaqaale Suuriyaan ah ay usoo celisay dalkooda, kuwaas oo si sharci ah loogu wareejiyay ciidamada ilaalada Dhinaca Suuriya ee ku sugan  marinka xadka ah ee Al-Qaim, kaas oo ay kolkii hore ka soo galeen dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here