Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in duqeymo ay Yahuudda ka geysatay Lubnaan Isniintii ay ku dhinteen 31 qof.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in khasaaraha ka dhashay duqeymo ay ciidamada gumaystaha ku qaadeen tiro ka mid ah magaalooyinka iyo deegaamada ku yaalla bariga iyo koonfurta Lubnaan iyo meel u dhow Beirut uu gaarayo 31 dhimasho ah iyo 64 dhaawac ah, waxayna intaas ku dartay Wasaaradda in dhimashada ugu badan ay ka dhacday koonfurta Lubnaan, halka 4 qof oo kaliya lagu dilay bariga dalkaas.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan, in ka badan 3,800 oo qof ayaa lagu dilay waddanka tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka u dhexeeya Hizbullaah iyo Yahuudda bishii Oktoobar 2023. Intooda badan waxa ay geeriyoodeen illaa bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.
Dhinaca Sahaayinada , 82 askari iyo 47 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay 13 bilood gudahood, sida lagu sheegay tirokoob ay soo saartay wakaaladda wararka ee France-Presse.