Ciidamada dawladda Suudan ayaa ku dhawaaqay in ay qarka u saran yihiin la wareegida aqalka madaxtooyada ee dalkaas looga arimiyo, ayagoo gooyay dhamaan wadooyinkii sahaydu ka gali jirtay ciidamada Taageerada Degdegga ah ee ku sugan gudaha madaxtooyada.
Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Suudan ay jareen wadoonkii ay sahaydu u maraysay ciidamada Taageerada Degdega ah ee ku sugan bartamaha caasimadda Khartoum, kuwaas oo lagaliyay go’adoon adag.
Xooggaga Dacmu sariic ee ku sugan bartamaha Khartuum ayaa hadda isku gadaamay xarunta madaxtooyada, kaddib markii ay ciidamada Suudaan dib ula wareegeen gacan ku haynta wadooyinka soo gala madaxtooyada, taas oo keentay in maleeshiyaadku ay difaac adag xirtaan.
Waxaa isasoo taraya guulaha isdaba jooga ah ee ay sheeganayaan ciidamada dawladda Suudan, kuwaas oo dhul balaaran kala wareegay xooggaga Dacmu Sariic ee dagaalka adag kula jira dawladda Suudan tan iyo sanadkii 2023-kii.