Maamulka Dawladda Suuriya iyo Xoogagga Kurdiyiinta ee Dalkaas oo Iswaydaarsaday Maxaabiis ku Jeebaysnaa Jeelalkooda.

20
0

Dowladda Suuriya iyo xoogagga Kurdiyiinta ee dalkaas ayaa bilaabay inay isweydaarsadaan maxaabiis in mudo ah labada dhinac ay kala hayeen, iyadoo la fulinayo heshiis ay gaareen labada maamul 10-ka bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Wakaaladda Wararka ee Suuriya ayaa sheegtay, in ku dhawaad ​​250 maxbuus lagasii daayay xabsiyada dalkaas, iyadoo daabacday sawirrada tiro ka mid ah maxaabiista la sii daayay oo qeyb ka ahaa dufacada koowaad ee heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.

Maamulka Suuriya ayaa sii daayay 140 maxbuus oo ka tirsanaa xoogagga Kurdiyiinta ee Suuriya, iyagoo ku badashay in kabadan 100 maxbuus oo ku jiray gacanta maamulka Kurdiyiinta mudo sanado ah.

10-ka bishii Maarso, Madaxweynaha Suuriya Ahmad Al-Sharaa iyo taliyaha guud ee xoogagga Kurdiyiinta ee dalkaas Mazloum Abdi, ayaa wada saxiixday heshiis amraya in SDF lagu daro ciidamada Suuriya iyo hay’adaha kale ee dawliga ah, waxayna carabka ku adkeeyeen in bulshada Kurdiyiintu ay qayb ka tahay dib u dhiska dawladnimada Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here