Maamulka Jubbaland oo Bilaabay La Dagaalanka Indha Shareerka.

50
0

Ciidamada Booliska degmada Kismaayo ayaa shalay gudaha xaafadaha magaalada Kismaayo ka bilaabay la dagaalanka xirashada indha shareerka, iyagoo horay u soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo in Niqaabka ay xirtaan haweenka muslimiinta ah.

Taliyaha Saldhiga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, G/le Dhexe Warsame Axmed Geelle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga bilaabo afar bari kahor oo ay taariikhdu aheyd 31, July, 2024 la adkeeyay joojinta xirashada Indha shareerka.

Arintaan ayaa dad badan soo xasuusisay hogaamiye kooxeedkii 2006-dii laga saaray magaalada Moqdisho ee la dagaalami jiray cid walba oo ay ka muuqato sunada nabiga SCW.

La dagaalanka indha shareerka, ee ka bilowday magaalada Kismaayo ayaa ka mid noqday mashruuca ay culumada Soomaaliyeed ugu magac dareen la dagaalanka diinta iyo in shacabka Soomaaliyeed laga fogeeyo diintooda.

Hoos ka daawo sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here