Maamulka Sahaayinada oo ku Dhawaaqay ka Bixitaanka Waxa Loogu Yeero Golaha Xuquuql Insaanka.

19
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yahuudda Gideon Sa’ar ayaa shalay Khamiistii ku dhawaaqay, in Yahuuddu ay raaci doonto wadadii uu maray Maraykanka oo ay isaga baxayso waxa ay ugu yeeraan golaha xuquuqul insaanka, isaga oo golaha ku eedeeyay in ay sii wadaan eexashada hay’adaha ee ka dhanka ah Yahuudda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Yahuuddu ay si isdaba joog ah u dhaleeceysay golahan oo dhowr jeer soo saaray go’aano ay ku cambaareynayaan siyaasaddeeda dhulka la heysto ee Falastiin.

Francesca Albanese oo ah hawenayda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka la haysto ee Falastiin, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in go’aanka ka bixitaanka Yahuudda uu muujinayo isla waynida iyo ka warqab la’aanta Yahuudda ee cawaaqib xumada ka dhalan karta falalka ay kula kacayso dadka shacabka ah ee Falastiiniyiinta.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xasuuqa ay Yahuuddu ku hayso Falastiiniyiinta uu kusii baahi karo dhulka Daanta Galbeed. Waxay sidoo kale sheegtay in arintan ka bixitaanka ay Yahuuddu ku doonayso inay xasuuq kii Qaza lamida ay ka gaysato Daanta galbeed.

Dhankeeda, Yahuudda ayaa ku dhawaaqday in aysan qorsheynayn in ay ka baxdo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, kaddib markii ay ku dhawaaqday in ay qaadacday waxa loogu yeero Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here