Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay Askar katirsan sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya xilli ay ku howlanaayeen in ay howlgalo ka fuliyaan gobolka Awdal sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland.
Hayadda NIA qoraal ay soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxahan oo si heer sare ah u abaabulnaa lagu qabtay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Laba xubnood oo ka tirsan NISA oo ay gacanta ku dhigtay Somaliland ayaa loo xil saaray fulinta dilal qorshaysan oo ka dhan ah dadka shacabka ah sida hadalka loo dhigay.
“Waxaanu gacanta ku dhignay koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan in ay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama. Laba ka mid ah xubnahaas waa la xidhay, halka lix kalena lagu dabo jiro” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda NIA.
Khilaafka udhaxeeya maamullada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa gaaray meeshiisi ugu sareeysay waxaana xusid mudan in labadan dhinac ay xiriir dhow laleeyihiin dowladaha shisheeye.
Hay’adda sirdoonka maamulka la magac baxay Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay xabsiga dhigay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah Somaliland.
Arintaan ayaa ku soo aadaysa xili uu jiro khilaafka badda ee u dhexeeya maamullada Moqdisho iyo Hargeysa.
Hoos ka daawo sawirada