Maamulka Somaliland oo Xiray Xildhibaan Maxamed Abiib Abdi.

51
0

Maamulka la baxay Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xildhibaan Maxamed Abiib oo kamid ah Xildhibaanada Somaliland sidoo kalana ah shaqsi mucaarad ku ah maamulka Muuse Biixi.

Xildhibaanka ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa intaas ku sii daraaya in Xildhibaan Abiib ay ciidamada Somaliland ku xireen xarunta C.I.D-da magaalada Hargaysa.

Xildhibaan Abiib ayaa ka soo laabtay safar uu maalmahan ku joogay dalka Imaaraadka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here