Saacado un kadib markii ay Yahuuddu weerartay goobo dhowr ah oo ku yaalla gudaha dalka Iiraan, subaxnimadii hore ee saaka, ciidamada Yahuuddu waxay si rasmi ah u shaaciyeen, in la soo afjaray weerarradii xagga cirka ahaa ee ay ku beegsanayeen bartilmaameedyada militari ee dawlada Iiraan.
Sidoo kale waxay intaas ku dareen, in diyaaradihii ka qayb qaatay weerarka ay si nabad gelyo ah dib ugu laabteen halkii ay ka duuleen tageen, kadib markii ay fuliyeen ujeedooyinkii laga lahaa, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Waxay sheegeen in weerarkan ay la beegsadeen xarumaha lagu sameeyo gantaalada, iyo sidoo kale baytariyada loo isticmaalo gantaalada hawada sare goosha.
Warka kasoo baxay maamulka Yahuudda ayaa hanjabaad loogu diray xukuumada fadhigeedu yahay Tehraan, iyagoo carabka ku adkeeyay inay ka hor tagi doonaan weeraro kale oo kaga yimaada dhanka Iran.