Maamulka Yahuudda oo Turkiga ku Eedayay in uu Taageero u Fidinayo Xisbullaah.

19
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Yahuudda Gideon Sa’ar ayaa ku eedeeyay Turkiga in ay Iran kala shaqaynayaan  sidii ay lacag ugu tahriibin lahaayeen ururka shiicada ah ee Xisbullaah.

Intii lagu guda jiray kulanka uu wasiirku la yeeshay tiro ka mid ah Senetarada Mareykanka iyo Morgan Ortagus oo ah kaaliyaha ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Sa’ar ayaa sheegay in Tehran ay xoojisay dadaalkeeda ku aaddan sidii ay Xisbullaah ugu soo celin lahayd xukunka, ayna caawimo ka dalbatay Ankara.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dedaalka ay Iran ku doonayso inay lacagaha ugu xawisho Lubnaan, si ay dib ugu soo noolayso awooddii Xisbullaah ay dhawaanahanba cirka isku sii shareertay, isagoo ku andacoonaya in dedaalladaas loo marayo waddooyin kale oo uu Turkigu ka mid yahay oo ay la kaashanayaan, sida uu sheegay.

Cilmi-baaraha siyaasadda Muhannad Hafizoglu ayaa sheegay, in xaqiiqada eeddani ay tahay rabitaanka Yahuudda ee ah in ay xaddiddo dawrka Turkiga ee Suuriya oo keliya.

Yahuudda ayaa walaac xoggan ka qabta in ay dib usoo laabato awoodii Xisbullaah, ayadoo ka digaysa in Iran ay kaalmo military iyo mid dhaqaaleba ay soo gaarsiiso Xisbullaah. Sidoo kale Yahuudda ayaa duqaymo xooggan ka wada dalka Suuriya , ayadoo ka cabsi qabta in hubkii Bishaar Al-Asad loosoo wareejiyo dalka Lubnaan oo ay gacanta ku dhigaan Xisbullaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here