Magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq waxaa ka furmay shir saddex geesood ah oo ay isugu imaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee maamullada shiicada ee ka arimiyo dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Iiraan, kaasoo looga hadlayo xaaladda murugsan ee haysato dhiig yicabka Bishaar Al-Asad ee xoogga ku haysto qaybo ka mid Suuriya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa sheegtay, in wasiirka arrimaha dibadda Fu’aad Xuseen uu magaalada Baqdaad kula hadlay dhiggiisa Suuriya, Bassam Sabbagh, isagoona ka waraysatay xaaladda amniga ee Suuriya iyo sidii ay iskaashi wadajir ah u yeelan lahaayeen.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa intaa ku dartay in Labada wasiir ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay sii wadida wada tashiga iyo isku xirka Labada qoomiyood ee walaalaha ku ah diinta baadilka ah ee Shiiciyadda.
Xuseen waxa uu sheegay, in Baqdaad ay si weyn ula socoto waxa uu ku tilmaamay horumarka Suuriya, halka Wasiirka arrimaha dibadda ee nidaamka Suuriya uu dhankiisa sheegay, in arrimaha hadda socda ay khatar weyn ku keeni karaan ammaanka gobolka, taas oo uu ula jeedo ammaan kooxaha Shiicada ah ee dalalkaas.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili kooxaha mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay dagaallo kula jiraan ciidamada Nidaamka ee ku sugan deegaano kala duwan oo dalka Suuriya ka tirsan, tan iyo 27-kii bishii hore ee November, waxaana u suuragashay inay gacanta ku dhigaan inta badan deegaannada gobolka Xalab ee waqooyiga dalkaas, halka Khamiistii shalay ay la wareegeen magaalada Xamah ee bartamaha dalka.