Maanta oo taariikhdu ay tahay 1da Sebteembar 2024 waxay ay ku beegan maalintii la dilay hogaamiyihii xarakada Alshabaab Sheekh Abuu Zubeyr.
Abuu Zubeyr ayaa la dilay 1dii Sebteembar 2014, waxaana duqeyn ku dilay diyaaradaha Mareykanka.
Geerida Abuu Zubeyr oo ay filaayeen dowladaha shisheeye in ay noqon doonto mid saameeyn ku yeelata awooda xarakada Alshabaab ayaa dhicisowday.
Ka dib geerida Abuu Zubeyr waxaa hogaanka Alshabaab qabtay hogaamiye Abuu Cubeyda oo noqday hogaamiye la soo baxay siyaasado cusub iyo istaraatijiyado dagaal oo halis badan.
Awoodii xarakada Alshabaab ayaa sii ziyaaday ayagoo bilaabay weeraro cagmarin ah oo lagu soo afjaraayo xerooyinka ay dagan yihiin ciidamada shisheeye.
1sano ka dib geeridii aAbuu Zubeyr maanta oo kale 1,september,2015, waxaa dhacay weerarkii cagmarinta ahaa ee Janaale.
Weerarkaas oo lagu soo afjaray taliskii ciidamada dowlada Uganda ay ku leheed degmada Janaale, waxayna jihaadiyiinta Alshabaab weerarkaas ku dileen in kabadan 70 askari, waxayna sidoo kale ku qabteen maxaabiis dhowr ah oo katirsanaa ciidanka Uganda.
Sidoo kale Waxaa dhacay weeraro balaaran sida weerarkii Leego, Ceel-Cadde, Kulbiyoow, iyo weeraro kale oo muujinaaya in geerida hogaamiye Abuu Zubeyr aysan hakin ama hoos u dhigin awoodii ciidanka, siyaasadda, iyo dhaqaalaha xarakada Alshabaab.
Kooxda ayaa aaminsan in geerigada hogaankeeda ay tahay astaan muujinaysa sidqiga Manhjka ay kooxdu ku taagan tahay.
Alshabaab ayaa sidoo kale aaminsan in hogaamiye walba oo ku geeriyooda asagoo ku jira dagaalka ay kaga soo horjeedaan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ka in Allah SWT uu keenaayo bedelkiisa tobanaan hogaamiye oo sii amba qaadaa wadadiisa.
Mar warbaahinta taageerta xarakada Alshabaab ay ka hadlaayeen kaalinta uu ka ciyaaray Abuu Zubeyr dagaalka ka socda dalka Soomaaliya ee u dhexeeya ciidamada shisheeye iyo Alshabaab ayee dheheen sida tan:
“Sheekh Mukhtaar wuxuu sanooyin badan ahaa hogaamiyaha mujaahidiinta geeska Africa ahna Amiirka Xarakat Al-Shabaabil Al-mujaahidiin, wuxuu Alle ku sharfay sababna uga dhigay dadaalkiisa isagoo ay garab taaganyihiin walaalihiisa kale in Soomaaliya laga dhiso qalcad adag oo gabaad u ah muslimiinta iyo muhaajir weliba oo diintiisa lasoo cararay.”
Geerida hogaamiye Sheekh Abuu Zubeyr waxaa kasoo wareegatay 10 sano.