Maanta oo kale subaxnimadii 21, Agoosto, 1969, ayaa la gubay Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
Dennis Michael Rohan ayaa gaas ku shubay qaybo ka mid ah masaajidka sida minbar Salaaxu Diin Al-ayuubi kadibna wuxuu qabad siiyay taraq.
Dabka ayaa socday muddo shan saacadood ah, waxaana u sabab ahaa in ciidamada gumeysiga Yahuuda ay diideen in gurmadka dab-damiska ay soo gaaraan masaajidka.
Shacabka reer Falstiin ee ka agdhawaa maasjidka ayaa gurmad ay sameeyeen ilaa iyo xad ku guuleystay in ay dabka damiyaan ayagoo adeegsanaaya dharkooda iyo biyaha ay ka soo qaadaayeen ceelasha biyaha ee ku dhex yaalo maasjidka.
Maasjidka waxaa soo gaaray burbur xooggan gaar ahaan darbiga masaajidka waxaa dumay qaybo ka mid ah masaajidka.
Dennis Michael Rohan ayaa ka tirsanaa koox xagjir ah oo lagu magacaabo “shuhud yahuwh” oo aaminsan aragtida ah in dunida oo idil ay maamulaan Yahuuda.