Maanta Oo Kale Waxay Ku Beegan Tahay Maalintii La Dilay Macalin Aadan Ceyrow.

66
0
Macalin Aadan Ceyrow

Maanta oo kale 1 May 2008 (17 sano ka hor) waxay ku beegan tahay maalintii la dilay hogaamiye sarre macalin Aadam Xaashi Faarax kuna magac dheeraa mucallim Aadan Xaashi Ceyrow.

Macalin Aadan Ceyrow ayaa ku geeriyooday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud,

Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay dilka macallin Aadan Xaashi Ceyroow oo ahaa hogaamiye dhalinyaro ah isla markanna dadka yaqaana ee ku sheegaan in uu ahaa sarkaal ciidan oo y dhiiran sidoo kalana howlkar ah. Mucallim Aadam ayaa kamid ahaa sarakiisha dagaalka adag la gashay xabashida Itoobiye ee weerarka ku soo qaaday dalka Soomaaliya sanadkii 2006dii.

Macalim Aadam ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa Aas’aasayaasha Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalka kula jirta ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan mudo ka badan 18 sano oo xiriir ah.

 Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee sida dhaw ula socda dagaalada ka dhanka ah shisheeyaha ku soo duulau dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaama macalin Aadam in uu lahaa shakhsiyad dahabi ah isagoona dadaal dheer ugu jiray sidii ay umadda Soomaaliyeed uga xoroobi laheyd shisheeyaha isuguna xukumi laheed Shareecada Islaamka. 

Dowladda Mareykanka ayaa ku fahantay xilligaas dilka maclimka ayagoo sheegay in uu sidaas uu kusoo afjarmayo halganka jihaadiga ah ee ka curtay dalka Soomaaliya.

Balse uma aysan noqon sidii ay filayaan dowladaha Mareykanka iyo reer galbeedka u arkayay dagaalka ee ku jiraan Alshabaab mid halis ku ah danahooda guracan ee ka leeyihiin Soomaaliya, waxaana 17 sano kadib dhisan maamulka xarakada Alshabaab oo dalka Soomaaliya ka maamula dhul baaxad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here