Maanta oo kale, 2-da May, sanadkii 2011, waxay ahayd maalintii la dilay hogaamiye Sheekh Usama Bin Ladin.
Hogaamiye Sheekh Usama Bin Ladin waxa uu ahaa hogaamiyihii ururka weynaha caalamiga ah ee Al-Qaacida.
Dilka Sheekh Usama Bin Ladin waxaa fuliyay ciidamada Mareykanka ee lagu magacaabo (SEAL Team 6) waxayna ka fuliyeen gudaha dalka Pakistan.
Si kastaba ha ahaatee, maanta oo laga joogo 14 sano dilka Sheekh Usama, su’aalo badan ayaa weli taagan: Mareykanka ma ka guuleystay ururka Alqaacida kadib dilka Sheekh Usama mise guuldarro istaraatiiji ah ayuu wajahaaya Mareykanka sababtoo ah kooxda Alqaacida ayaa ku faaftay wadamo dhowr ah ayagoo maanta maamula dhul baaxad leh oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Mali, Burkina Faaso iyo wadamo kale?
Ururka Al-Qaacida waa urur sii faafaya oo firkiisii iyo dagaalyahannadiisii ay ka howlgalayaan meelo badan oo dunida ah, sida Soomaaliya, Mali, Yemen, Burkiina Faaso, Niger, Algeria, Pakistan, Jaziirad u ekaha Hinidiya iyo meelo kale oo badan.
Dilka Sheekh Usama ayaa noqday dhacdo taariikhi ah oo dunida oo idil gilgishay.
Mareykanka iyo xulafadiisa waxay ku fashilmeen inay si buuxda u jebiyaan ururkii uu hogaamin jiray, taasoo daliil u ah in xoog ciidan keliya aysan ku filneyn burburinta dhaqdhaqaaqyada ku dhisan mabda’ iyo aragti islaamiga ah.
Taariikhdu waxay diiwaan galisay in Sheekh Usama Bin Ladin uu ahaa hogaamiye si qoto dheer ugu milmay dhacdooyinka siyaasadeed, diimeed iyo kuwo jihaadiga ah ee qarnigii 21aad.
Doodaha ku saabsan kaalintiisa, saameyntiisa iyo dhaxalkiisa weli waa kuwo xiiso iyo muran badan uu ka taagan yahay.
Waxaa xusid mudan in Sheekh Usama oo dagaal caalami ah la galay midowgii Suufiyeeti markii uu ku soo duulay dalka Afgaanistaan kadibna dagaal kale oo ka khatar badan midkii hore la galay Mareykanka, Yahuuda iyo guud ahaan reer galbeedka ayaa ahaa shakhsi maal qabeen ah oo dhaxal ahaan u helay lacag aduun oo gaaraysa 300 oo million oo dollar.
Aqoonyahanada caalamka ayaa ku tilmaama Sheekh Usama in uu ahaa shakhsi tusaale u noqday in fikirka iyo in loo dagaalamo islaamnimada ee kala weyneed ku raaxaysiga Malaayiinta dollar uu dhaxalka ku helay.