Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab gaar ahaan guutada madaafiicda ee ka howlgala gobolka Jubbada hoose, waxay weerar culus ku qaadeen xerada deegaanka Buulaxaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkaan madaafiicda ah ayaa sababay khasaaro soo gaaray ciidamada dowlada fedeeaalka Soomaaliya, waxaana wararka horudhaca ah ee la helayo ay xaqiijinayaan in 1 askari uu ku dhintay duqeynta, halka 4 kale lagu dhaawacay.
Dhanka kale, ciidamada xarakada Alshabaab waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada shisheeye ee Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka laga maqlayay qaybo ka mid ah degmadaasi.