Madaafiic Lagu Garaacay Xeryaha Ciidamada DF ee Sh/Dhexe.

122
0

Ciidamada Alshabaab gaar ahaan guutada madaafiicda ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro madaafiic ah ku qaaday saldhigyo millatari oo ciidamada DF ay kaga suganyihiin Hiilweyne iyo deegaanka Ilbaq.

Militariga Alshabaab ayaa dhowr madfaafiic ah ku garaacay saldhigga ciidamada DF ee deegaanka Ilbaq ee dhaca gobolka Sh/dhexe.

Sidoo kale waxay ciidamada Alshabaab duqeeyeen xerada Hiilweyne oo saldhig u ah ciidamada DF, kuna taal waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay guutada madafiicda xarakada Alshabaab ayaa duqeymo culus la beegsaday saldhigyada ay dagan yihiin ciidamada DF iyo kuwa Shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here