Madaxwaynaha Cusub ee Dalka Maraykanka Donal Trump oo Safiir Cusub u Magacaabay Tel Aviv.

22
0

Madaxweynaha  cusub ee loo dortay Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu danjiraha Yahuudda u magacaabi doono barasaabkii hore ee gobolka Arkansas, ninka lagu magacaabo Mike Huckabee. Waxa uu ku tilmaamay in uu yahay nin aad u jecel Yahuudda,  isaga oo xusay in Huckabee uu si hagar la’aan ah ugu shaqayn doono Yahuudda.

Huckabee, ayaa can ku ah taageerada Yahuudda. wuxuu sidoo kale ka mid yahay dadka aadka u taageera in Yahuudda la dajiyo dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

Wareysi uu siiyay Telefeshinka CNN 2017-kii, Huckabee wuxuu yiri, “Waxaa jira erayo aan doonayn hada inaan isticmaalo, ma jiraan wax la yiraahdo Daanta Galbeed,” isagoo raaciyay, “Waxaa jira wax la yiraahdo Yuhuudd iyo Samarra,” Waxa uu tilmaamay in wax la yiraahdo Falastiin ay san Jirin.

Magacaabista ninkan Yahuuddka ah ayaa kusoo beegmaysa, ayadoo maamulka Yahuuddu ay xasuuq ba’an ka wadaan Jiida Qaza, arintan Ayaan ka dhigan in madaxwaynahan cusub ee loo dortay maraykanka uu sii hurin doono dagaalka ka socda Bariga dhexe, Yahuuddana ku tageeri doono Gumaadka ay ku hayaan shacabka Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here