Madaxwaynaha Cusub ee Dalka Suuriya Axmed Asharaa Ayaa Sheegay in Dawladiisa ay kusoo Biireen Kumanaan Ciidamo ah Kaddib Afgambigii Bishaar Al-Asad.

19
0

Madaxwaynaha cusub ee dalka Suuriya Ahmed Asharaa ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta ugaga warbixiyay xaalada dib u dhiska dawladiisa, taas oo mudo labo bilood ah talada dalkaas haysa, kaddib markii nidamkii Bishaar Al-Asad xilka laga tuuray.

Ahmad Al-Sharaa ayaa wareysiga uu bixiyay maanta ku sheegay, in kaddib markii la afgambiyey nidaamkii Bashaar Al-Asad ay ciidamada maamulka cusub kusoo biireen kumanaan ciidamo mutadawiciin ah oo ka qayb qaadanaya hanaanka dawlad dhiska ee dalka.

Kadib afgambigii nidamkii hore, waxaa dalka Suuriya dib ugusoo laabtay boqolaal kun oo Suuriyaan ah, kuwaas oo wadamada dariska ku ahaa qaxooti, sida Turkiga iyo Ciraaq, ayagoo bilaabay dib u dhiska magaalooyinkoodii ay ka qaxeen.

Nidaamka Cusub ee laga dhisay dalka Suuriya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo mudo ka badan nus qarni talada dalkaas ay ku qabtaan kooxaha suniyiinta ah ee dalkaas kasoo jeeda, ayagoo wajahay mudadaas cadaadisyo nooc walba leh, oo uga imaanayay qayska reer Asad ee talada dalkaas xoogga ku haystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here