Madaxweynihii hore ee dalka Peru, ninka lagu magacaabo Alejandro Toledo ayaa lagu helay dambi ah inuu laaluush ka qaatay shirkadda dhismaha ee dalka Brazil Odebrecht, waxaana lagu xukumay 20 sano iyo lix bilood oo xarig ah.
Xukunkan ayaa ka dhigan xukunkii ugu horreeyay ee lagu rida sarkaal sare oo Peru ah oo lala xiriirinayo fadeexadd musuqmaasuq ah, kaas oo ku sii fiday dalal kale oo ka tirsan Latin America.
Toledo waa 78 jir dhaqaaleyahan ah, waxa uu shahaadada doctorate ka qaatay Jaamacadda Stanford ee dalka mareekanka, waxa uuna xukumay dalka Peru intii u dhaxeysay 2001 iyo 2006, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay, in Toledo lagu helay lacag dhan 35 milyan oo doolar oo laaluush ah, oo ay siisay Shirkadda Odebrecht, oo hadda loo yaqaana Novonor, si oogu ogolaado in ay ku guulaysato qandaraas lagu dhisayay wadada hadda isku xirtaa xeebaha koonfureed ee Peru iyo galbeedka dalka Brazil, Dacawadaas oo socotay mudda sanad ah, Toledo waa uu dafiray dhamaan eedaymaha loo soo jeediyay.
Shirkadda Novonor, ayaa xuddun u ahayd fadeexaddii musuq-maasuq ee ugu waynayd ee ka dhacda Latin America, kadib markii ay qiratay sannadkii 2016-kii inay laaluush siisay mas’uuliyiin Tobannaan waddan kasoo kala jeeda, si ay u hesha qandaraasyo shaqo oo guud.
Toledo ayaa maxkamada ka codsaday todobaadkii hore in ay u ogolaato in uu xabsiga ku dhamaysto gurigiisa, sababtoo ah waxa uu la ildaran yahay cudurka kansarka.