Madaxweynaha dalka Ivory Coast ninka lagu magacaabo Alassane Ouattara ayaa Talaadadii shalay sheegay, in ciidamada Faransiiska ay ka bixi doonaan dalkiisa, oo kamida dalalka dhaca Galbeedka Afrika.
Khudbad uu dhamaadka sanadka jeediyay ayaa wuxuu ku sheegay, in dadka reer Ivory Coast ay tahay inay ku faanaan casriyeynta ciidamadooda qalabka sida, isagoona raaciyay, inay go’aansadeen in ciidamada Faransiiska ay ka baxayaan dalka.
Faransiiska ayaa ka fiirsanaya inuu dhimo joogitaankiisa militari ee wadamada Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, oo ay ku jirto Ivory Coast, lagana dhigo 600 oo askari, taas oo hadda ah 2,200 oo askari, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Reuters bishii November ee lasoo dhaafay.
Faransiiska ayaa horay ciidamadiisa ugala baxay Mali, Burkina Faso iyo Niger, kaddib afgambiyo militari oo ka dhacay dalalkaas iyo bulsooyinka ku nool wadamadaas oo ka santaagay gumaysiga Faransiiska. Dowladda Chad ayaa sidoo kale si lama filaan ah u joojisay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay la gashay Faransiiska bishii November ee la soo dhaafay.