Madaxweynaha cusub ee Mexico, haweenayda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum ayaa ku baaqday in la aqoonsado dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin, si nabadd looga gaaro Bariga Dhexe.
Waxay ku sheegtay hadalkeedii ugu horreeyay ee arrintan ku saabsan tan iyo markii ay xilka la wareegtay 1-dii Oktoobar, in Dawladda Falastiin la aqoonsado sida maamulka yahuudda loo aqoonsaday oo kale, waxayna raacisay in kaas uu yahay mowqifka Mexico ay ku taagnayd sanooyin badan.
Intii lagu guda jiray shirkeeda jaraa’id ee maalinlaha ah, Sheinbaum waxay sidoo kale cambaareysay dagaalka ka socdo Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in dagaal uusan keenaynin wanaag.
Sheinbaum waxa ay xustay in dawladii hore ee Mexico oo uu hogaaminayay ninka lagu magacaabo Andres Manuel Lopez Obrador ay cambaaraysay hawlgalkii duufaanta Al- Aqsaa oo ay qaadeen muqaawamada falastiin October 7dii ee sanadka 2023.
Waxaana isa soo tarayay bilooyinkii ugu danbeeyay dawladaha ku baaqaya in la aqoonsado dawlad ay leeyihiin falastiiniyiinta, lamana oga hadafka cad ee ay ka leeyihiin arinkaas, waxayna kusoo aadaysa xilli muqaawamada falastiin ay ku gacan sareeyso duulaanka gardarrada ah ee ay Yahuuddu ku soo qaaday marinka Qaza.