Madaxweynaha Ruushka oo ku Amray Ciidankiisa inay si Buuxda ula Wareegaan Gobalka Kursk.

21
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Arbacadii markii ugu horeysay booqday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka tan iyo markii ciidamada Ukraine ay la wareegeen gacan ku haynta qaar ka mid ah dhulka gobolkaasi, wuxuuna amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay si buuxda u xoreeyaan Kursk.

Putin ayaa ka soo muuqday telefiishanka Ruushka isagoo xiran dareeska ciidamada, wuxuuna booqday xarun laga hago hawlgallada oo ku taalla gobolka Kursk oo ay isticmaalaan ciidamada Ruushka.

“Waqtiga ugu yar ee suurtogalka ah, waxaan ka adkaan doonnaa cadawga ku urursan gobolka Kursk oo sii wada hawlgallada difaaca,” ayuu Putin u sheegay taliyeyaasha sare ee ciidamada Ruushka.

Dhankiisa, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka ahna wasiir ku xigeenka koowaad ee gaashaandhigga Valery Gerasimov ayaa sheegay, in ciidamada Ruushku ay gacanta ku dhigeen in ka badan 86% masaaxadii ay horay uga qabsadeen ciidamada Ukraine gobolka Kursk.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Ruushku uu xaqiijiyey, inay ka sugayaan Maraykanka faahfaahin ku saabsan xabbad-joojin 30 maalmood ah oo uu Maraykanku la galo Ukraine, maalin un kadib markii Kyiv ay ku dhawaaqday, inay oggolaatay hindisahaas kadib wadahadal ay la yeelatay wefti Ameerikaan ah oo ku sugnaa Sucuudiga.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Waxaa la filayaa in aan xiriir la yeelanno Mareykanka maalmaha soo socda, waxaana ku xisaabtameynaa in aan helno xog dhameystiran oo ku saabsan soo jeedinta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here