Madaxweynaha Suuriya oo Cambaareeyay Qorshaha Trump uu ku Doonayo in Falastiiniyiinta Looga Barokiciyo Qaza.

37
0

Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa cambaareeyay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo inuu ku barakiciyo dadka reer Qaza, isagoo ku sheegay saday inuusan Trump ku guuleysan doonin.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri “Duulaanka ay Yahuuddu ku hayso Falastiiniyiinta mudada ku dhow 80-ka sano ee ay colaaduhu socdeen ayaa ahaa mid ay Yahuuddu ku doonayso inay dhulkaas ku qabsato” isaga oo ku carabka ku adkeeyay in arintaasi ay tahay dambi aan dhici Karin, “Mana guulaysan doonto siyaasadaas” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Al-Sharaa ayaa dhaleeceyn u jeediyay madaxweynaha Mareykanka, isagoo yiri  “waxaan kasoo horjeednaa siyaasad Trump uu horseedka ka yahay ee ah sidii Falastiiniyiinta looga saari lahaa dhulkooda”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dalalka carabta oo dhan ay  kasoo hor jeesteen qorshaha Trump, kaas oo  uu ku doonayay inuu ku iibsado marinka Qaza, si uu ugabarakiciyo shacabka Falastiiniyiinta, kuwaas oo uu sheegay in loo wareejin doono dalalka Jordan iyo Masar iyagoo aan xaq u lahayn inay soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here