Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa Sabtidii dib u cusbooneysiiyay baaqiisii ahaa, in cunaqabatayn adag lagu soo rogo Moscow, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta nolosha iyo xoojinta difaaca hawada si looga hortago weerarada joogtada ah, iyadoo duqeymaha cirka ee Ruushka ay sii socdaan.
Kadib weerarkii cirka ee uu Ruushka ku qaaday magaalada Dobropolya, Zelensky waxa uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Weeraradani waxay muujinayaan in hadafyada Ruushku aysan isbeddelin.”
“Taasi waa sababta ay lama huraan u tahay in aan sameyno wax kasta oo aan awoodno si aan u ilaalino nolosha, xoojinta difaaca hawada iyo adkeynta cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka,” ayuu raaciyay.
Iyadoo dhawaan la hakiyay kaalmada militari ee Mareykanka uu siin jiray Ukraine, ayaa khubaradu waxay sheegeen, in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ka faa’ideysanayo fursadda uu ku dardargelinayo ujeeddooyinkiisa dagaal.
Mid ka mid ah yoolalka ugu muhiimsan ee ay hiigsanayaan labada dal ayaa ah, in si buuxda gacanta loogu dhigo gobollada lagu muransan yahay ee Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhia, kuwaas oo ay wali qayb ahaan ku sugan yihiin ciidamada Ruushka.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa Sabtidii sheegtay, in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen 30 kalena ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jiraan shan carruur ah, weerar uu Ruushku ku qaaday magaalada Dobrovilia ee bariga Ukraine.
Waxay sheegtay, in ciidamada Ruushka ay ku weerareen magaalada gantaallada baastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Magaalada Dobrovilya, oo ay ku noolaayeen qiyaastii 28 kun oo qof ka hor dagaalka ayaa ku taallaa gobolka Donetsk ee bariga Ukraine, waxayna 22 kilomitir oo kaliya u jirtaa jiidda hore ee waqooyiga xarunta ugu weyn ee Pokrovsk, oo ay ciidamada Ruushku weerarro ku hayeen Toddobaadyadaan.