Madaxweynaha Ukraine oo Sheegay inay Kordheen Weerarrada Ruushka ee ka Dhanka ah Dalkiisa.

30
0

Milateriga Ukraine ayaa maanta sheegay, in Ruushku uu 176 diyaaradood oo aan duuliye lahayn uu xalay kusoo weeraray dalkaas, halka Moscow ay sheegtay, inay dib ula wareegtay saddex magaalo oo kale oo katirsan gobalka Kursk.

Milateriga ayaa war uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay, in ay soo rideen 130 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, halka 42 kalena ay ku guul dareysteen in ay gaaraan bartilmaameedkooda, waxaana loo badinayaa in ay ku timid cillad dhanka electronic-ga ah.

Geesta kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay, in Ruushka uu in ka badan 2,100 duqeymo cirka ah ku qaaday Ukraine usbuucii la soo dhaafay.

Zelensky ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay, in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen dalka Ukraine iyagoo adeegsanaya 1,200 oo bambaanooyinka hawada laga hago ah, illaa 870 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in ka badan 80 gantaal oo noocyo kala duwan.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in ciidamada Ruushku ay sii wadaan dhaqdhaqaaqooda gobolka Kursk, taas oo qayb ka ah hawlgal ballaaran oo hadafkiisu yahay, in kumanaan kamida askarta Ukraine lagu qasbo inay baxsadaan ama iska dhiibaan galbeedka Ruushka.

Wasaaraddu waxay ku dartay hadal ay soo dhigtay Telegram, in ciidamada Ruushka ay hadda gacanta ku hayaan tuulooyinka kala ah Malaya Lukhnya, Cherkasskoye Porechnoye iyo Kositsa.

Waxaa xusid mudan in wararka ay soo saareen Moscow iyo Kiev aysan jirin ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara, duruufaha dagaalka iyo dagaalada oo socday in ka badan 3 sano awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here