Madaxwaynihii 39-aad ee Maraykanka ayaa ku dhintay isla wadankaas, wuxuuna ahaa ninkii talada dalkaas hayay mudadii u dhaxeysay 1977-kii illaa 1981-kii, madaxwaynahaan ayaa can ku ahaa ladagaalanka Islaamka iyo ehelkiisa, isagoo garab istaag buuxa siin jiray Yahuudda gumaysiga ku haysata Falastiin.
Madaxwaynhan hore ee soo maray talada dalka Maraykanka ayaa shalinimadii Axada ku dhintay gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Plains ee gobalka Georgia, kaddib markii mudo Labo sano ah lagu hayay meelaha dadka da’ada ah lagu xanaaneeyo isagoo la ildarnaa xanuuno, wuxuuna dhintay isagoo 100 sano jir ah.
Carter waxa uu ka tirsanaa Xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna Madaxweyne ka soo noqday dalkan, kaddib markii uu ka adkaaday Madaxweynihii Jamhuuriga ee Gerald Ford doorashadii 1976-kii, si kastaba ha ahaatee, ma uu awoodin in uu ku guuleysto mar Labaad, kaddib markii uu la kulmay guuldaro xun oo uu kala kulmay musharaxii uu la tartamayey ee Jamhuuriga Ronald Reagan, wakiilkii hore iyo guddoomiyaha California.