Maeeshiyaad Xuutiyiinta oo Macalin Dugsi Quraan Ku Dilay Waqooyiga Dalka Yaman.

9
0

Maeeshiyaad Xuutiyiinta ee Yaman ayaa gobolka Raymah ee dalkaas dhawaan ku dilay nin ahaa macalin qur’aan, taas oo qayb ka ah dhibaatada ay maleeshiyaadkaas Shiicada ah ku hayaan dadka Suniyiinta ah ee ku hoos nool xukunkooda.

Sheekhan oo lagu magacaabi jaray Saalax Xantuus, oo qiyaastii 70 jir ahaa, ayaa rasaas iyo duqeymo lala beegsaday gurigiisa oo ku yaalla tuulo dhacda Koonfur-galbeed ee  magaalada Sanca ee Waqooyiga Yaman, hawgalkaas oo ay fuliyeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo caan ku ah beegsiga dad Suniga ah.

Khilaafka u dhaxeeyay shiikhaan iyo Maeeshiyaad Xuutiyiinta ayaa soo bilawday sanadkii 2022-kii, markaasoo oo ay kooxdu xirtay dugsigii uu carruurta ku barayay Qur’aanka Kariimka. Wixii markaas ka dambeeyay waxa lagu qasbay in uu u guro tuuladiisii, halkaas oo uu ka sii waday in uu qur’aanka ka dhigo masaajidda, balse Xuutiyiinta ayaa arintaasi qoonsaday oo uga taba tagay tuuladiisa isla markaana ku dilay halkaas.

Dilka Shiikhan daaciga iyo macalin Qur’aanka ah ayaa waxaa ka dhashay caro baahsan iyo cambaareyn ballaaran oo caalami ah, iyadoo lagu baaqay in si cadaalad ah loo baaro ciddii ka dambeysay dilka macalinkaas lalana xisaabtamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here