Ciidan ayaa usoo gashay reer Qaza, iyadoo farxad iyo daamaanshaad aysan ka jirin magaalada Gaza, balse waxaa wajiyada qaar kamid ah dadka waaweyn iyo carruurta oo la hadlay warbaahinta Aljazeera ka muuqday ilmo iyo murugola aad u daran, iyagoo dhanka kale muujiyay inay si wayn ugu dabaal dagi lahaayeen ciidda haddii uu dagaalku dhamaan lahaa.
Jowriye, oo ah inan yar oo ku jirta da’deedii hanaqaadka, ayaa si xun u ooyday markii ay warbaahintu waydiisay waxa ay ciiddani u diyaarisay hooyadeed, iyadoo awoodi waysay inay sharaxdo noolasha ay ku jiraan, jawaabteeduna waxa ay noqotay oohin.
Dhankiisa Xuseen Al-Khudari, oo ah harqaanle si weyn looga yaqaana Qaza, ayaa xilliyadan oo kale aad ugu mashquulsanaan jiray tolidda dharka ciidda. Laakiin maanta, dagaalka iyo xaaladda dhaqaale ee adag ee soo food saartay dadka oo dhan awgeed, ma jirto cid soo booqatay dukaankiisa, halka dukaankiisana uu yahay mid kabi ahaantiisaba maran, mana yaallan dharkii iyo maryihii ciida ee looga bartay dukaankaas.
Al-Khudari ayaa u sheegay warbaahinta, in aysan dadku haysan lacag ay ku masruufaan caruurtooda, dharka ciidda iskaba daaye, Waxa uuna intaasi ku daray “Waxaan lahaa dukaan weyn, balse Yuhuuda ayaa gabi ahaantiisaba burburisay, waxaan rabnaa inaan u noolaano sida dadka kale, laakiin xaaladdu aad ayay u adag tahay.
Yahuudda ayaa dib u bilowday dagaalkii ay ku qaaday Marinka Gaza, iyadoo jabisay heshiiskii xabbad joojintii ay kala saxiixdeen iyad iyo muqaawamada Falastiin, arintaas ayaana marlabaad dib ugu celasay reer Qaza maalmihii muragada iyo tiiraanyada, Allaah ayaana ka baryeynaa inuu siiyoo nasri degdeg ah, uuna ka dulqaado cadawga ku habsaday.