Magaalada Xamah oo Qarka Usaaran inay ku Dhacdo Gacanta Mucaaradka Hubeysan ee Suuriya.

14
0

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay, in ay saddex jiho ka weerareen magaalada Xamah, kaddib markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Khaddaab oo ku taalla baadiyaha Xamah.

Waaxda howlgallada milateri ee mucaaradka Suuriya ayaa sheegtay, in dagaalyahannadooda ay gaareen duleedka bari iyo galbeed ee magaalada Xamah, waxayna magaalada noqotay bartilmaameedkooda xiga.

Waxayna sidoo kale ku dhawaaqday Waaxdu shalay oo Arbaca ahayd, in dagaalyahannada mucaaradka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Khaddaab oo ku taalla duleedka magaalada Xamah, kagana beegan dhanka waqooyi-galbeed, iyagoo xusay inay sidoo kale la wareegeen 10 tuulo iyo magaalooyin ku yaalla baadiyaha Xamah.

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, in ay la wareegeen xarunta taliska qeybta 25-aad ee ciidamada gaarka ah, halkaas oo uu ku yaallo xafiiska taliyaha ciidamada gaarka ah ee Nidaamka Suuriya, Sarreeye Gaas Suhail Al-Xasan.

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sidoo kale ku dhawaaqay, in ay la wareegeen magaalada Scaf, oo ku taalla baadiyaha bari ee Xamah, kaddib markii ay la dagaallameen ciidamada nidaamka Suuriya. Mucaaradka ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan in ay ku sii socdaan magaalada Xamah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here