Xujaajta baytka Alle ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah billaabay gudashada acmaasha ama manaasikta xajka sanadkaan 1446-ka, iyagoona saaka u dhaqaaqay mashcaru Mina si ay u soo gutaan wajigii koowaad ee gudashada waajibaadka xajka ee maalinta Tarwiyah.
Mina ayaa ku taallaa inta u dhaxaysa Makka iyo Muzdalifah, waxayna qiyaastii 7 Kiiloo Mitir u jirtaa Masjidul Xaraam. Waana mashcar ku yaalla gudaha xuduudka masaajidka xurmada leh, waana tog barakeysan oo ay ku hareeraysan yihiin buuro dhanka waqooyi iyo koonfur ka xiga.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay, in tirada guud ee xujeyda ka imaanaya dalka dibadiisa ay gaarayaan ku dhawaad 1.5 milyan oo xujey illaa iyo hadda.
Maalinta 8-aad ee bishan barakaysan ee Dul-xijah loona yaqaana maalinta Tarwiyah ayaa ah maalinta ay sida rasmiga ah Xujaajtu u bilaabanayaan acmaasha Xajka.