Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Xerada Askarta Itoobiya ee Degmada Dinsoor.

12
0

Wararka aan ka helayna gobalka Bay ee Konfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay Habeenkii xalay weerarar ku qaadeen, xerada askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Dinsoor.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jabaqda iyo huganka rasaasta laga maqlay xaafadaha magaalada iyo deegaannada ku dhow dhow.

Illaa iyo hadda manan helin inta uu la egyahay khasaaraha ciidamada Xabashida Itoobiya  lagu gaarsiiyay weerarkaas.

Balse waxa uu kusoo beegmayaa, iyadoo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay shalay qarax ku burburiyeen gaari Cabdi bile ah oo ay  saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah, burburka gaariga ka sakow waxaa ciidamadaasi la gaarsiiyay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here