Cutubyo ka tirsan Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay habeenkii xalay weerar toos ah iyo qarax la beegsadeen, askarta Dowladda Fedaraalka ee ku sugan degmada Xudur oo katirsan gobolka Bakool.
Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo hubka ay iswaydaarsanayeen labada dhinac laga maqlayay xaafadaha degmada Xudur ee xarunta gobalkaas.
Degmadan ayaa waxaa fariisimo ku leh ciidamada Xabashida Itoobiya iyo ciidamada dowladda Fadaraalka ee daba dhilifyada u ah, waxayna marar badan la kulmeen weerarro jihadi ah oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.