Malatariga Suudaan oo guula ka sheegtay dagaallo ay la galeen xoogagga RSF.

21
0

Ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa sheegay, in 150 ka tirsan ciidamada RSF lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Al-Fasher ee xarunta u ah gobolka Waqooyiga Darfur ee dhaca galbeedka dalka Suudaan.

Hoggaanka Qeybta Lixaad ee Ciidamada malatariga ee Suudaan ee ku sugan magaalada Al-Fasher, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay, in ciidamadooda ay dagaal socday in ka badan laba saacadood ay ku qaadeen  Koonfur Bari ee magaalada Al-Fasher.

Waxayna intaa ku dareen malatariga, in illaa iyo hadda ay qabsadeen saldhigyo badan oo ay leeyihiin maleeshiyaad taageerada dag dagga, waxayna sidoo kale sheegeen in  khasaaraha gaaray maleeshiyaadka RSF lagu qiyaasay illaa 150 askari oo dhimasha ah, iyagoo dhanka kalana tilmaamay, in cutubyada ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay sameynayaan horumar la taaban karo.

Geesta kale xoogaga Taageerada degdega ah ayaana ka hadlin dagaalkaan illaa iyo hadda.

Waxaa xusid mudan, in Suudaan ay tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkii 2023 ka socdaan dagaallo ba’an oo udhexeeya ciidammada qalabka sida ee Suudaan iyo xoogaga RSF ee taageerada ka helayo dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, waxayna dagaalladan sababeen dhimashada in ka badan 24,850 oo qof, halka in ka badan 14 milyan oo qofna ay ku barakaceen, waa sida ay sheegayaan tirakoobya ay soo saareen hay’ado caalami ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here