Malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay hawlgallo kala duwan ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya, hawlgaladaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar katirsan ciidamada DF.
Shabeelada hoose.
Kamiin shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye waxaa dhimasha ku noqday 4 Askari oo mid sarkaal yahay, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale.
Jubbada Hoose.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey madaafiic ku garaaceen xerada ciidamada dawladda Fadaraalka ee deegaanka Buulo Xaaji ee hoostagta magaalada Kismaayo.
Duqeynta kadib ciidamada dawladda Fadaraalka ayaa banaanka uga soo baxay xerada waxeyna la kulmeen weerar qorsheysan, kaas oo sababay dhaawaca 4 qof oo uu ku jira abaanduulihii xerada.
Baay.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal qarax ah ka fuliyay deegaanka Awdiinle ee duleedka Baydhabo waxeyna la beegsadeen askarta Xabashida Itoobiya.
Weerarrada lagu dhiig-bixinayo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka daba-dhilifyada ah ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.