Ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed ee Liyuu Police ka loo yaqaano ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay magaalada Haroorays.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Haroorays ee udhaxeysa Jigjiga iyo Wajaale ka dhacay, dil loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Qadar Cabdullaahi.
Dilka wiilkan ayaa waxaa ka dambeeyay ciidamo katirsan kuwa maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-Galbeed, waxayna kahor inta ayasan dilin kala degeen gaari, kadibna rasaas ayey ku fureen.
Dadka ku dhaqan dulka Soomaali-Galbeed ayaa wajahaaya xad gudubyo waa weyn sida dhac, kufsi iyo dilal qorsheysan oo kaga imaanaya ciidamada Xabashida iyo maleeshiyaadka ay dhulkaas ka dhisteen.