Maleeshiyaad ka Dagaalama Dalka Ciraaqa oo ku Hanjabay inay Beegsan Doonaan Saldhigyada Mareykanka ee Gobalka.

11
0

Mid kamida kooxaha ka dagaalama dalka Ciraaq ee gacansaarka dhow la leh dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka, haddii Mareykanka uu soo farageliyo colaadda u dhaxeysa Iiraan iyo Yahuudda.

“Waxaan si dhow ula soconaa dhaq-dhaqaaqa ciidamada Mareykanka ee gobolka, haddii ay soo farageliyaan dagaalka waxaan si toos ah u beegsan doonaa danahooda iyo saldhigyadooda ku fidsan gobolka oo dhan si aan ka gabasho lahayn,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiinta kooxahaas oo lagu magacaabo Abuu Xuseen Al-Xumaydaawi.

Kooxdan gacansaarka la leh Iiraan kana hawlgasho dalka Ciraaq ayaa horay u sheegatay mas’uuliyadda tobanaan weerar oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Yahuudda iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya.

Balse horraantii sannadkii hore, ayay kooxdu shaaciyeen, inay hakiyeen dhammaan howlgallada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ee gobolka, kadib dadaallo ay samaysay dowladda Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here