Ilo-wareedyo ku sugan gudaha Suudaan ayaa kusoo waramaya, in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay subaxnimadii hore ee manta ay dhowr madfac ku garaaceen deegaanka Karari ee magaalada Omdurman.
Wararka ayaa sheegaya, in ilmo yar uu ku dhintay 5 kalena ay ku dhaawacmeen madaafiicda lagu garaacay guryo ku yaalla xaafadaha Al-Thawra ee Waqooyiga Omdurman.
Dhinaca kale, qeybta gurmadka deg dega ah ee kaamka Abu Shook oo ku yaalla magaalada Al-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur ee Galbeedka Suudan ayaa maanta ku dhawaaqday, in ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay soo cusboonaadeen madaafiic ay ciidamada Taageerada Degdega ah ku garaaceen qeybo ka mid ah xeradaas.
Iyadoo howlgallada barakaca ay ka socdaan tuulooyinka Koofurta iyo Galbeedka Al-Fasher illaa xerada Zamzam iyo qeybo ka mid ah Koonfurta iyo Bariga Gobolka Darfur, taasoo ka dhalatay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Taageerada degdega ah ay ku bartilmaameedsadeen tuulooyinka Galbeedka iyo Koonfurta Al-Fasher.
Guddiga isku xirka barakacayaasha iyo qaxootiga gobolka Darfur ayaa sheegay, in qaxootiga ay ku nool yihiin xaalado bini’aadantinimo oo aad u daran, sida biyo la’aan, cunto la’aan, hoy iyo gaadiid la’aan.
Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo shalay oo Talaado ahayd ay ciidamada Suudaan ku dhawaaqeen, inay ka hortageen tiro kamid diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay maleeshiyaadka RSF ku beegsanayeen taliska qaybta 19-aad ee ciidanka Suudan iyo biyo-xireenka Meroowe ee gobollada Waqooyi.
War qoraal ah oo uu soo saaray ciidan Suudan ayaa lagu sheegay, in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay waxyeelo ka soo gaartay biyo xireenka Merowe.