Maleeshiyaadka Baangaraafta Oo Lagu Qarxiyay Gobolka Shabeelaha Hoose.

36
0

Ciidamada xarakada Alshabaab gaar ahaan guutada qaraxyada ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose ayaa qarax xooggan la beegsaday maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha ah ee Maraykanku tababaray ee loo yaqaano Bangaraafta.

Maleeshiyaadka Bangaraafta ayuu qaraxu haleelay xilli ay ka baxeen saldhigga Balli-doogle.

Maleeshiyaadka la qarxiyay ayaa oo sida la sheegay u socday dhibaataynta dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuullooyinka u dhaxeeya Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka shabeelaha hoose.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu gubtay gaariga uu qaraxu haleelay, oo ay wateen maleeshiyaadka Bangaraafta.

Wali lama xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray maleeshiyaadka la qarxiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here