Qaraxyo xooggan ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah laga maqlaya magaalada Boorti-Suudaan ee caasimada ku meel gaarka ah ee dawladda Suudaan, iyadoo militariga dalkaas ay xaqiijiyeen in difaacyadooda cirka ay ka hortageen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay maleeshiyaadka Dacmu Sariic kusoo weerareen magaaladaas.
Madaxa golaha madaxbanaanida ee Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa ballan qaaday inay ciidamadiisu ka jawaabi doonaan weerarrada ay xoogaga taageerada degdega ah ka geysteen magaalada Boorti-Suudaan, isagoo sheegay in bartilmaameedyada xarumaha rayidka aysan ka cabsi gelin doonin dagaalka ay kula jiraan xooggaga RSF.
Tan iyo maalinimadii Axada ee horaantii isbuucan, magaalada Boorti-Suudaan ayaa marti galisay weeraro ay geysanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano darooniska, kuwaas oo bartilmaameedsanayay garoonka diyaaradaha, xarumaha korontada iyo bakhaarro shidaal oo ku yaalla agagaarka dekedda, waxay sidoo kale beegsadeen hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Boorti-Suudaan.