Maleeshiyaadka Fagner Iyo Ciidamada Mali oo La Kulmay Xasuuq + Sawirro.

161
0

Dagaalka aad u culus oo u dhexeeya maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha Fagner iyo kuwa dowlada Mali oo isku dhinac ah iyo kooxda Azawad iyo Alqaacidda ayaa ka dhacay dalka Mali.

Dagaalka ayaa ka billowday Khamiistii lasoo dhaafay, deegaanka Tinzawaton oo dhaca xuduud beenaadka ay wadagaan dalalka Jazaa’ir iyo Mali, dagaalka ayaa soo gaaray illaa iyo maalintii Sabtida.

Ciidamada Mali iyo ciidamada dowlada Ruushka ee Fagner waxaa ka soo gaaray dagaalka sidaa wararka ku heleeyno jab aad u xooggan.  

Maxamed Almawlud Ramada
Maxamed Almawlud Ramadan

Dhanka kale, afhayeenka rasmiga ah ee isku xirka dhaqdhaqaaqa Azawad ee Mali, ninka lagu magacaabo “Maxamed Almawlud Ramadan”, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “dagaalka ka dhacay Tinzawaton uu bilaabmay Khamiistii hore, maalintii Sabtidii ciidamada Mali iyo calooshood u shaqeystayaasha Fagner waxaa soo gaaray khasaare lixaad leh.” ayuu yiri Ramadan. afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dagaalka ay ku soo qabsadeen gaadiid gaashaaman, saanad ciidan, iyo agabyo kale oo militari.

az-Zallaqa

Sidoo kale, Mu’asasad Zallaqa oo ah garabka warbaahineed ee Alqaacidada ka dagaalanta wadamada dhaca saaxilka afrika, ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijineyso dilka 50 calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan Fagner iyo 10 askari oo ka tirsan ciidamada Mali, kadib weerar gaadmo ah oo ay dagaalyahanada Alqaacidda ay ku qaadeen waqooyiga dalka Maali.

Saraakiisha laga dilay Ruushka waxaa ka mid ah wariyihii ugu caansanaa calooshood u shaqeystayaasha Fagner oo ahaa agaasimihii kanaalka rasmiga ah ee telegram ka (Grey Zone).

Ilo-wareedyo warbaahineed oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in khasaaraha soo gaaray maleeshiyada Fagner iyo ciidamada Mali ay ka kooban yihiin:

Ciidama Ruushka ee Fagnar:

– 150 ayaa laga dilay

– 17 waa laga dhaawacay

– 35 maxbuus waa laga qabtay

Ciidamada Mali: 

– 107 ayaa laga dilay 

– 35 waa laga dhaawacay 

– 74 maxaabuus waa laga qabtay

Muuqaalo iyo sawiro la faafiyay Sabtidii ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha xooggan ee soo gaaray ciidamada Ruushka iyo kuwa dowladda Mali.

Hoos Ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here