Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF ayaa weerar culus oo hawada ah ku qaaday saldhigyo ciidan iyo xarun shiidaal oo muhiim ah oo ku taalla magaalada Kosti ee dalka Suudaan, kuwaas oo la rumeysan yahay in lagu gaarsiiyay burbur xooggan iyo khasaare ballaaran, sida ay xaqiijiyeen saraakiil milatari oo la hadlay wakaaladda AFP.
Weerarkan oo dhacay xalay fiidkii ayaa la sheegay in uu ahaa mid si xeeladaysan loo fuliyay, iyadoo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye wadin (drones) oo lagu beegsaday bartilmaameedyo milatari iyo kuwo shidaal, kuwaas oo muhiim u ahaa howlgalka ciidamada dowladda.
Goobjoogayaal ku sugan Kosti ayaa warbaahinta u sheegay inay maqleen qaraxyo waaweyn oo gilgilay magaalada, kadib markii diyaaradaha RSF ay si toos ah u weerareen xarunta shidaalka ee magaalada. Qiiq madow iyo olol xooggan ayaa cirka isku shareeray, waxaana shacabka deegaanka soo food saartay cabsi iyo jahawareer.
Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in weerarkan uu sababay khasaare hantiyadeed oo weyn iyo burbur ku yimid kaabeyaasha shidaalka ee gobolka, taasoo laga cabsi qabo inay saameyn ku yeelato gaadiidka iyo adeega shidaalka ee gobolka Kordofan iyo nawaaxigeeda.
Duqeyntan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda Suudaan ay guulo milatari oo la taaban karo ka gaareen dagaalka ka socda caasimadda Khartuum, halkaas oo ay bishihii lasoo dhaafay kala wareegeen RSF xarumo istaraatiji ah oo ay horay u maamulayeen.
Khabiir amni oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in weerarkan uu caddeynayo in RSF weli leedahay awood ciidan oo wax u dhimi karta garabka dowladda, xilli dagaalku u muuqdo mid sii fidaya oo ku faafaya gobollo hor leh oo dalka ka tirsan.
Inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Suudaan oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee weerarka, hadana muuqaalada laga helay goobta ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray xarunta shidaalka iyo agagaarkeeda.
Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada dowladda ayaa galay sannadkii labaad, iyadoo dagaaladii ugu dambeeyay ay muujinayaan inuu sii xoogeysanayo khilaafka, ayna kordhayaan weerarada dhinacyadu is weydaarsanayaan si joogto ah.
Xaaladda magaalada Kosti ayaa haatan aad u kacsan, iyadoo shacabka lagu amray in ay ka fogaadaan meelaha muhiimka ah ee la beegsan karo, halka wararka laga helayo goobta ay sheegayaan in weli hawada magaalada ay weli buuxinayaan qiiqii qaraxyada.