Ilo-wareed ka tirsan Milliteriga Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay, in dhowr qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen aroornimadii hore ee maanta, kadib markii Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maleeshiyaadka RSF ay duqeymo la beegsadeen xero malatari oo ay ku sugan yihiin Ciiddanka Suudaan, taas oo ku taalla magaalladda Ad-Dabba ee Waqooyiga dalkaas.
Duqeyntan ayaa imaanaysa maalin un kadib markii maleeshiyaadkan ay duqeymo ku garaaceen biyo xireenka magaalada Merowe ee waqooyiga Suudaan, iyagoo waxyeelo u geystay taransfoorka korontada ku shaqeeya ee biyo xireenkaas, islamarkaana sababay in korontadu ay go’do dhowr gobol oo ka tirsan dalkaas.
Ilo wareedyo ka tirsan ciidanka Suudaan ee ka hawlgalo magaalada Merowe ayaa sidoo kale sheegay, in gantaalada lidka diyaaradaha ay soo rideen diyaarado aan duuliye laheyn oo lala beegsaday saldhigga ciidamadooda iyo biyo xireenka magaalada Merowe.
Bilihii la soo dhaafay, Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraray magaalooyin dhowr ah oo ka baxsan goobta dagaalka, sida Gedaref iyo Sennar oo ku yaalla Koonfur-Bari ee dalka Suudaan.
Bartilmaameedka Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Magaalada Ad-Dabba ee Waqooyiga dalkaas ayaa imaanaya maalmo kadib markii looga itaal roonaaday magaalada Khartoum ee caasimadda dalkaasi.