Maleeshiyaadka RSF oo Lagu Eedeeyay in ay Bililiqaysteen Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Al-jaziira.

17
0

Shabakadda Dhakhaatiirta ee dalka Suudaan ayaa ku eedeysay maleeshiyaadka RSF ee dalka Suudaan, in ay dhac iyo xatooyo ka geysteen Isbitaalka iyo  Farmashiyada Degmada Al- Hilaliya  ee Gobolka Al-jaziira, isla markaana ay ka hor istaageen howlwadeennada caafimaadka in ay la tacaalaan dadka dhaawaca ah, iyagoo  dhakhaatiirta ku baaqay in loo gurmado dadka rayidka ah ee ay go’doominta ku hayaan maleeshiyaadka RSF muddo Labo toddobaad ah.

Shabakadda ayaa cambaareysay go’doominta lagu hayo magaalada Al-Hilaliya iyo falalka dilka iyo boobka ah ee loo geysanayo dadka rayidka ah ee aan isdifaaci karin.

Wakaalada France-Presse ayaa sidoo kale ka soo xigatay Guddiga Horudhaca ah ee Ururka Dhakhaatiirta inuu ku eedeeyay, ciidamadaTaageerada Degdegga ah in ay bililiqeysteen dhammaan hantida shacabka ee magaalada Al-Hilaliya, iyagoona dadka deegaanka udiiday inay ka qaxaan magaalada illaa ay ka bixinayaan lacago aad u badan.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay, in tirada dhimashadu ay si xawli ah kor ugu sii kacayso, maxaabiista qaar ayaa naftooda ku waayay xabsiyada,  kaddib markii lagu qasbay in ay cunaan haruur wasakhaysan ama ay cabbaan biyo aan nadiif ahayn,  halka qaar kalana  ay la ildaran yihiin shuban biyood, iyagoona haysanin wax daryeel caafimaad ah.

Arinkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ay ku eedaysay maleeshiyaadka RSF in ay iyagu ka danbeeyeen dhimashada 120 qof oo rayid ah, kuwaas oo lagu dilay gobolka Al-Jaziira labo maalmood gudahood, halka RSF qudhoodana ay ku eedeeyeen ciidammada malatariga dilka  60 qof oo rayid ah, kaddib duqayn xagga cirka ah oo ay ka fuliyeen Waqooyiga gobalka Darfur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here