Maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah oo Xasuuq Cusub ka Gaystay Xerooyinka Barakacayaasha ee Gobalka Darfuur.

9
0

Maleeshiyaadka Dacmu sariic ayaa xasuuq daran ka gaystay xerada barakacayaasha Zamzam ee waqooyiga Darfuur, waxayna wararku sheegayaan inay halkaas ku dhinteen 25 qof oo rayid ahaa, weerarkan ayaana dhacay arroornimadii jimcaha, dadka la dilay ayaa waxaa kamid ahaa dumar iyo caruur kasoo barakacay dagaalada ka socda magaalada u dhow ee Al-Fasheer.

Guddiga magaaladan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in weerarkan laga soo qaaday jihda koofureed iyo dhanka bari ee xerada, iyagoo sheegay in rabshadahaas ay dad ku dhawacmayn,  halka Ilo deegaanka ahna ay kusoo waramayaan  in xerada lagu garaacay madaafiic, kadibna uu xigay weerar dhulka ah oo ay soo qaadeen xoogagga RSF.

Ciidamada Taageerada dagdagga ah ayaa magaalada Al-Fasheer iyo xerooyinka barakacayaasha ee ka agdhow mudooyinkii dambe kusoo rogtay go’adoon adag, kaas oo keenay inay dadka halkaas ku dhaqan ay soo food saarto macluul baahsan, waxaana gabaabsi ah biyaha iyo baadka sida ay sheegeen ururarada samafalka ee magaaladan ka hawlgalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here