Ilo-wareedyo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa sheegay maanta, in kooxda Xisbullaah ee ay Iiraan taageerto, ay isaga baxeen magaalada Qusayr ee dalka Suuriya, oo ku taalla xuduudka Lubnaan wax yar ka hor inta aysan xoogagga hubeysan la wareegin magaaladaas.
Ilo-wareedyadaas ayaa waxay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters, in ugu yaraan 150 baabuur oo kuwa gaashaaman ah oo ay saaran yihiin boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Xisbullaah ay isaga baxeen magaalada si tartiib tartiib ah.
AFP ayaa sidoo kale sheegtay, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhow Xibullaah, in xisbigu uu xubnihiisa kala baxay agagaarka Dimishiq iyo Xims illaa xeebaha Suuriya.